Rooble oo dalka ku soo laabtay xilli ay jirto xaalad kacsan

Image
Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa shirar gaar gaar ah durba ka bilaabay aagga Afisyooni.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay, ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa ka soo laabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga soo qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

Wasiirka koowaad ayaa shirar gaar gaar ah durba ka bilaabay aagga Afisyooni, kulamada wuxuu la leeyahay saraakiisha ATMIS iyo wakiilada beesha caalamka, wuxuuna kala hadlayaa qabashada doorashada gudoonka golaha shacabka oo buuq daran uu ka taagan yahay.

Xubno kamid ah howlwadeenada baarlamaanka iyo bahda warbaahinta oo saaka tagay teendhada Afisyooni ayaa loo diiday iney galaan xerada, iyadoo ciidanka ATMIS u sheegeen ineysan maanta jirin wax doorasha ah oo ay xaafadohooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale Wakiiladda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane ayaa laga yaabaa in maanta ay daabacaan liiska shaqsiyaad ay kusoo rogayaan cunaqabateyn "haddii ay qabsoomi waydo doorashadda guddoonka golaha shacabka," sidda ay ku waramayaan warbixino laga helay illo wareedyo madax-banaan.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa dhowr jeer oo horey waxay u caddeeyeen in ay "cawaaqib wajihi doonan" shaqsiyaadka isku-dayaya in ay xagal-daaciyaan geedi-socodka dimuqraadiyada Soomaaliya "oo uu hormuud u yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM