Rooble oo farta ku fiiqay cida qarka ka tuuraysa wadanka

Image
Doorashada Soomaaliya ayaa la kulmaysa diidmada Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Xuseen Rooble, wasiirka 1aad ee xukumadda Xilgaarsiinta ah oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa sheegay in dalka uu ka badbaaday isku dayo ay sameeyeen Soomaali iyo Ajaanib dooneysay in ay qarka ka tuuraan waddanka oo aan doorasho ka dhicin sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa cadeeyay in sababta arrintaas loo sameynayo ay tahay in ay ka dhex eeganayaan dano gaar ah, waxa uu bogaadiyay tallabadii lagu dhaariyay Xildhibaannada labada Gole Baarlamaanka 11aad maalintii khamiista 14 April 2022.

Rooble ayaa sheegay in waddanka uu si tartiib ah uu cagihiisa ugu istaagayo mar haddii la doorto Guddoonka Baarlamaanka Federaalka kaddibna loo jiheysan doono doorashada Madaxweynaha.

“Wax badan baa la isku dayay Ajnabi & Soomaali in ay dalkaan qar ka tuuraan iyaga oo eeganaya dano gaar ah, waxaa la rabay in la qixiyo, la dhibaateeyo oo gaajo u la’ daan, waxaa laga yaabaa in maskaxdiina ku jirto Dalka labada nin ugu sarreyso maxay u xalin la’ yihiin balse waxa dalka baabi’iyay waa dano gaar ah, shaqsi ama shaqsi ka dambeeya” ayuu Rooble u sheegay Jaaliyada Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta mala idin kaga sheekeenayo isku dayada socda ee dib u dhaca lagu sameynayo & meesha loo socda cidda hortaagan”

“Waddanka waxa uu xoroobay oo Dowladnimo inoo soo caraftay 14kii April 2022 markii la dhaariyay Baarlamaanka Federaalka waxaa laga gudbay hubanti la’aanta jirta, 26ka April waxaa la dooranayaa Guddoonka Aqalka sare waxaa ku xiga 27ka April Guddoonka Golaha Shacabka kaddibna waxaa sii xigi doonta Doorashada Madaxweynaha sidaas ayuu dalka cagihiisa isugu taagayaa” ayuu yiri RW Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha oo Geneva uga qaybgelaya shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Somaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Doorashada Soomaaliya oo la kulmaysa diidmada Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ayaa mudo sanad ka badan waqtigeed dib uga dhacday waxaana wali socda dadaalo lagu badbaadinayo dumoqoraadiyada dalka si loo abuuro jawi doorasho oo rabshada ka caagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM