Rooble oo u digay maamulada xilli uu la kulmay danjiraha USA

Image
Image
Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa ku wargeliyey dowlad goboleedyada qodob "aan la aqbali karin".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Khamiista maanta ah wuxuu kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Xafiiska Rooble ayaa xusay in dhinacyada ay "wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka".

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, Rooble iyo  Andre ayaa isla soo qaadey habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka," ayaa la raaciyey.

Wasiirka koowaad ee dalka Rooble ayaa, sida ku cad bayaanka, inta uu socday wadaxaajoodkan wuxuu hoosta ka xariiqay "in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada".

"Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay," ayaa lagu soo xiray.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa horey ugu heshiiyey in muddo 15-casho ah lagu soo gabagabeeyo xulista Golaha Shacabka taasoo kasoo bilaabaneysa 15-ka Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM