Roobow oo ku yiri Al-Shabaab: Muqdisho noqon mayso sida Kabul iyo Dimishiq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa hoos u dhigay cabsi laga muujiyey in Muqdisho ay gacanta u geli karto Al-Shabaab, isagoo sheegay in kooxdaasi ay lumisay awooddii ay ku hanjabi lahayd caasimadda.

Roobow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho Axaddii, ayaa sheegay in weerarrada dhowaanahan Al-Shabaab ku qaadeysay deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ay yihiin guur-guurkii looga bartay kooxda, oo weligeed marka la gaaro Ramadan ay sameyn jirtay isku-dayo ku qabsanayso goobo cusub.

Weerarada sii kordhaya ayaa muujinaya in kooxdaasi ay dib u soo noqonayso balse aan la barbar dhigi karin Al-Shabaab Kabul iyo Dimishiq oo gacanta u haleen kooxaha ka jira Suuriya iyo Taliban-ka Afghanistan, isagoo ku adkeystay in Soomaaliya aysan ku jirin xaalad laga welwelo oo ah in dowladda laga qabsado Caasimadda.

"Muqdisho ma aha Kabul ama Damasqus, Axmed Diiriye-na ma aha Axmed Sharaac," ayuu yiri Roobow.

Roobow, oo horey u ahaa hogaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, wuxuu isku soo dhiibay dowladda 2017. Magacaabistiisa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2022, ayaa muujisay isbeddel weyn, isagoo noqday mid ka mid ah codadka ugu muhiimsan ee dowladda ee ka soo horjeeda argagixisada.

Hadalladiisa ayaa imaanaya kadib muddo ay Al-Shabaab si xooggan ugu fuliyeen weerarro ka dhan ah gudaha Soomaaliya, gaar ahaan bartamaha dalka, halkaasoo ay ku qaadeen weerarro ugu culus bilihii ugu dambeeyey. Kooxdu waxay dhawaan gashay degmada Balcad oo ku taal meel 30 kiilomitir (19 mayl) dhinaca waqooyi ee Muqdisho, halkaas oo mudo kooban ku sugnayd.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa dhawaan soo saartay digniin amni, iyadoo sheegtay in "weerarro ka dhici karaan" meelo muhiim ah oo ku yaallaMuqdisho, sida garoonka diyaaradaha iyo xarumaha dowladda, iyadoo soo jeedisay inay suuragal tahay in weerarrada la socdaan afduub iyo dilal qorsheysan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digniinta Mareykanka, ee ku saabsan amniga dalka, isagoo ku tilmaamay "xayaysiis been abuur ah" oo loo sameynayo Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ballan-qaaday in la xoojin doono weerarrada cirka iyo dhulka si looga wiiqo awoodda kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM