Safarka Axmed Madoobe ee Kenya oo Khilaafka ka dhex abuuray Xasan Sheekh iyo Xamse
Muqdisho, Soomaaliya – Socdaalka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madobe, ee uu ku tagay Kenya ayaa sababay khilaaf soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Khilaafkan ayaa muujinaya in xiriirka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu galay xaalad cakiran, taas oo sababi karta is-mariwaa cusub oo ku dhamaado Mooshin la geeyo Baarlamaanka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku kala arag duwan yihiin tallaabada ka dhanka ah Kenya, oo ogolaansho la'aan u martigelisay Axmed Madobe. Madaxweynaha Jubaland ayaa joojiyay xiriirkii uu la lahaa dowladda Federaalka kadib markii ay diiday inay aqoonsato doorashadii Kismaayo.
Ka-fal-celinta xad-gudub la sheegay inay diyaarad ka diiwaan-gashan Kenya ku sameysay hawada Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu doonayo in Soomaaliya ay mamnuucdo soo dejinta Qaatka (Miraa) oo Kenya laga keeno, isla markaana laga saaro dalka Safiirka Kenya ee Muqdisho. Hase yeeshee, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ka soo horjeestay qorshahan, isagoo u arka inuu halis gelin karo xiriirka labada dal iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sidoo kale wuxuu doonayaa in Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle dalka inuu yimaado loogu yeero, si loo muujiyo caro ka dhan ah go’aanka Kenya ee ku saabsan martigelinta Axmed Madobe. Laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiday talaabadan, sida Garowe Online uu ogaadey.
Soomaaliya ayaa dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya sanadkii 2023, kadib markii Madaxweyne William Ruto uu xafiiska yimid, waxaana la qaaday cunaqabatayntii lagu saaray ganacsiga Qaatka. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u arka in haddii tallaabo noocaas ah la qaado, ay keeni karto Kenya inay joojiso faragelinta la sheegay inay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si isku mid ah uga soo horjeeda Axmed Madobe, oo Muqdisho ay usoo saartay amar soo qabasho ah, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku xad-gudbay shuruucda doorashada. Si kastaba, Axmed Madobe ayaa ku adkeystay in madaxda hadda talada haysa ay doonayaan inay kordhiyaan muddada xil-heyntooda, iyaga oo hirgelinaya doorashooyin qof iyo cod ah, oo aan heshiis lagu aheyn.
Kenya ayaa si weyn u taageerta Jubaland oo ay u isticmaasho meel xuduudeeda uga difaacdo weerarada Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa kasoo jeeda Jubaland, waxaana horey uga soo noqday gudoomiyaha gudiga doorashadda kahor inta uusan Xildhibaan heer Federaal noqon, kadibna u dalacin Ra'iisul wasaaraha.
GAROWE ONLINE