Saleebaan Gaal oo ku Baaqay in Maxaabiista SSC-Khaatumo Si Shuruud La'aan ah loo sii daayo

Image

HARGEYSA – Golaha Guurtida Somaliland ayaa ugu baaqay maamulka Cirro inuu si shuruud la’aan ah kusii daayo maxaabiista SSC-Khaatumo ee ku xiran magaalada Hargeysa, kadib markii bishii hore Laascaanood laga sii daayay 25 maxbuus, oo Muqdisho la marsiiyay.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Gaal, ayaa sheegay in maxaabiistaas lagu wareejiyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), si si dhexdhexaad ah labada dhinaca u kala gudbinaysa maxaabiista. Wuxuu ka digay in sii deyntooda lagu xiro wadaxaajoodyo siyaasadeed.

"Waxaan aaminsanahay in aynaan dadkeena ula dhaqmin sida cadaw, ee aan si shuruud la’aan ah u sii dayno, una oggolaanno Laanqayrta Cas inay ka shaqeyso wareejintooda,” ayuu yiri Saleebaan. “Ma aha wax sax ah in dowladdu sii deynta maxaabiista la xiriiriso wax wada-hadal ah.”

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay hakad ku jiraan. Labada dhinac ayaa 2023 ku dagaallamayey magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda, halkaas oo boqollaal qof ay ku barakaceen, askar badanna la kala qabsaday.

Saleebaan ayaa dhaliilay shuruudda ay SSC-Khaatumo ku xirtay sii deynta maxaabiista, oo ah in Somaliland aqoonsato madax-bannaanidooda, isagoo sheegay in ay tahay mid aan macquul ahayn, khatarna ku ah geeddi-socodka siyaasadeed. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhaqanka iyo isimada Soomaaliyeed inay hormuud ka noqdaan dadaallada nabadeed iyo isu-soo-dhoweynta labada dhinac, halkii laga sugi lahaa wadahadallo rasmi ah oo u dhexeeya madaxda maamullada siyaasadeed.

Guddoomiyaha Gollaha Guurtidu waxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku dhaliilay inuu dhaawacay nabadda Somaliland kadib markii uu aqoonsaday maamulka SSC-Khaatumo, arrin uu sheegay inay sii hurisay xiisadda gobolka.

Bishii hore, SSC-Khaatumo ayaa si shuruud la’aan ah u sii daysay 25 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Somaliland, iyagoo ku sababeeyay arrimo bani’aadamnimo iyo xaalad caafimaad oo liidata. Dhanka kale, Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan is weydaarsaday 26 maxbuus oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, wali lama gaarin heshiis rasmi ah oo xabad-joojin ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, waxaana la ogeyn goorta lagu heshiin doono sii deynta maxaabiista kale ee wali gacanta ku kala jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM