Sanad guuradii 60aad ee calanka oo xalay Muqdisho laga xusay

Image

October 13, 2014 (GO)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guurada 60aad ee kasoo wareegtay markii la sameeyey calanka Somalia [October 12, 1954] ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowalda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari kamid yihiin ayaa xafladaas ka qayb galay khudbadana ka jeediyey.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeyn munaasabadaas ka hadlay ayaa umadda Somaaliyeed meel kastaoo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalinta 12-ka October oo sida uu Madaxweynuhu tilmaamay ah maalin qiime weyn ugu fadhida Soomaalida.

Madaxweyne Xasan wuxuu docda kale ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray isagoo xusay in maanta la haysto fursad qaali ah, taasoo lagaga soo kaban karo dhibaatooyinkii dalka ka dhacayey muddo labaatan sano ka badan.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna madashaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda calanka iyo weliba halgankii dheeraa ee loosoo galay gobanimo doonka.

Jawaari ayaaa kale ku booriyey Dowlada gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada in qoraal laga sameeyo taariikhda halgamayaashii Soomaalyeed laguna daro manaahijta waxbarashada ee dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe ee dalka.

Munaasabad tan oo kale ah oo lagu xusayey 60-sano guuradii kasoo wareegtey markii la sameeyey calanka Somalia ee lagu naaneyso magaca (Buluugle) ayaa shalay ka dhacday magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM