Sanad guuradii 60aad ee calanka oo xalay Muqdisho laga xusay

Image

October 13, 2014 (GO)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guurada 60aad ee kasoo wareegtay markii la sameeyey calanka Somalia [October 12, 1954] ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowalda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari kamid yihiin ayaa xafladaas ka qayb galay khudbadana ka jeediyey.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeyn munaasabadaas ka hadlay ayaa umadda Somaaliyeed meel kastaoo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalinta 12-ka October oo sida uu Madaxweynuhu tilmaamay ah maalin qiime weyn ugu fadhida Soomaalida.

Madaxweyne Xasan wuxuu docda kale ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray isagoo xusay in maanta la haysto fursad qaali ah, taasoo lagaga soo kaban karo dhibaatooyinkii dalka ka dhacayey muddo labaatan sano ka badan.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna madashaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda calanka iyo weliba halgankii dheeraa ee loosoo galay gobanimo doonka.

Jawaari ayaaa kale ku booriyey Dowlada gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada in qoraal laga sameeyo taariikhda halgamayaashii Soomaalyeed laguna daro manaahijta waxbarashada ee dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe ee dalka.

Munaasabad tan oo kale ah oo lagu xusayey 60-sano guuradii kasoo wareegtey markii la sameeyey calanka Somalia ee lagu naaneyso magaca (Buluugle) ayaa shalay ka dhacday magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM