Sareedo oo mar kale difaacatay xubinimadeeda Golaha Shacabka

Image
Kursiga ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee laga doorto xubnaha Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Hoose.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa marka kale difaacatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-154 oo ay ku ku fadhisay 20 sano ee la soofay ka dib codayn ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Sareeda ayaa kursigaan soo qaadatay kadib markii ay tanaasushay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo la tartami laheyd, waxaana Xildhibaan Sareedo ay heshay dhamaan cododkii ergadii soo xaadirtay goobta qaab gacantaag ah.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed, ayaa shaaciyay natiijada horudhac ah taas oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal ee FIET.

Kursigan waxaa hore ugu guuleysatay xildhibaan Sareedo, balse waxaa dib u soo celiyay guddiga doorashooyinka heer federaal, iyadoo waxyaabaha lagu heystay ay la xiriirtay in haweeneyda la tartantay ay eheyd qof aan qaan gaarin.

Guud ahaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhameystiray doorashada Xildhibaannada labada Aqal, waxaana ugu dambeeya kursiga Maanta doorashadiisa la qabtay oo ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Maalmaha nagu soo aadan waxaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo kuraasta ku harsan maamulada Hirshabelle iyo Jubaland, kahor inta aan la aadin doorashada gudoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho ka dhaceysa 27ka bishan.

Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda dib uga dhacday mudo sanad ka badan ayaa haantan u muuqata in xooggaa horay loo dhaqaay in kastoo ay jiraan caqabado ku xeeran sida amaanka, dhaqaalaha iyo khilaafka ka dhexeeya daneeyayaasha siyaasadeed ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM