Senator Abshir Bukhaari oo wax ku dayasho mudan ka sameeyay Cadaado

Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO - Senator Abshir Bukhaari, oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maktabada ka furey magaalada Cadaado 11-kii bishan August.

Maktabadda Guud ee Cadaado [Adado Public Library] waxaa la daah-furay maalintii sabtida ahayd ee lasoo dhaafay, iyadoo xafladda ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin katirsan Galmudug iyo kana degmada.

Buugaag kala duwan ayaa la dhigay Maktabadda oo aad loo qalabeeyay, waxaana ay fursad u siinaysaa dadka wax akhriya ee ku nool Cadaado inay helaan madal ay aqoon iyo macluumaad ka korarsadaan.

Abshir Bukhaar oo ah Senator laga soo doortay Cadaado ayaa waxa uu sidoo kale magaaladaasi ka hirgeliyay Dugsiga House-Dhexe ee Maandeeq kaas oo sannad iyo bar kahor uu ka furay Degmada.

Iskuulkan ayaa waxa uu Mudane Abshir Bukhaari ugu tala-galay ubadka qoysaska saboolka ah ee ku nool degmada, kuwaasoo aan awoodin inay caruurtooda ka bixiyaan kharashka Iskuuladda gaarka loo leeyahay.

Dad badan ayaa bogaadiyay tallaabadan uu qaadey Gudoomiye Abshir Bukhaari, taasoo dhabbe ku dayasho mudan u ah Xildhibaanada labada aqal ee BFS, oo wax adeeg bulsho ah ka fulin degaanadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM