Senator Faroole: Waa in aan olole weyn ku qaadno qabyaaladda

Image
Senatorka ayaa cadeeyay in xilligii Maxamed Siyaad uusan jirin baarlamaanka oo dalka ay ka jirtay dowlad milatari ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Senator Cabdirahman Maxamed Faroole oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa soo bandhigay taariikhda baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliy iyo xilliga uu soo bilaawday.

Senator ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horaysay la sameeyay sanadkii 1956, xilligaas waxaa madax ka ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan iyada oo korjoogto ka ahaayeen qaramada midoobay.

Baarlamaankii xigay ayaa la sameeyay sanadkii 1959-kii kaas oo la kowsaday sanadkii xoriyada ee 1960 sida uu cadeeyay Senator Faroole.xoriyada ka dib ayaa la isku daray baarlamaanadii koofurta iyo waqooyiga waxa ayna mudo sanad ah si KMG ah Aadan Cabdulle Cismaan inta dastuurka afti loo qaadayo.

Sanadkii 1961 ayaa sidaas waxaa ku dhalatay dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya iyada oo si toos ah iskugu biiriyay Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo ay gumaystihii kala qaybiyay xilligaas ka hor dalka maamulaayay.

Senatorka ayaa cadeeyay in xilligii Maxamed Siyaad uusan jirin baarlamaanka oo dalka ay ka jirtay dowlad milatari ah. Siyaad Barre wixii ka dambeeyay waxaa jiray baarlamaan KMG ah oo ka soo bilaawday magaaladda Carto ee dalka Jabuuti.

Qabyaallada iyo guulwadaynta.

Senator ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya iyo dhamaystirka dastuurka ay caqabad ku tahay laba dhaqan oo ay tahay in la iska wacyigaliyo kuwaas oo kala ah Qabyaallada iyo in qof madaxda ah uu rabo in la maqlo hadalkiisa oo kaliyo.

“Cilada ay tahay in aan olole ku qaadno waxay tahay qabyaalada iyo aragtida ah qofka madaxda isaga kaliya la maqlo" ayuu yiri Senator-ka oo kaliyay in loo guuro nidaamka axsaabta badan kaas oo fura u noqon kara dowlad-dhisida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladii milatariga ka dib waxaa xilalka sare ee dowlada lagu qaybsanaayay nidaamka Qabiilka kaas oo ka mid ah caqabadaha ragaadiyay dowlad-dhisida Soomaaliya sida ay qabaan khuburada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM