Sharciga dawada Soomaaliya oo markale eber laga soo bilaabay

Image
Sharcigan ayaa la sheegay in dib loosoo celiyay "sababo la xiriira dano siyaasadeed iyo kuwa ganacsi".

MUQDISHO, Soomaaliya - Sharciga dawada Soomaaliya oo golaha wasiiradda ka gudbay xilligii uu Ra'iisul Wasaaraha ahaa Cumar Cabdirishiid, islamarkaasna gaaray illaa akhrinta sedexaad ee baarlamaanka ayaa markale la sheegayaa in dib looga soo bilaabay meel eber ah, sidda ay muujinayaan warbixinadda soo baxaya maalmihii dambe.

Sidaa waxaa laga hor-sheegay guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare oo warbixino ka dhagaysanayay wasiirka caafimaadka iyo saraakiil wasaaradda ka tirsan.

Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta tayada dawada dalka imanaysa, islamarkaasna jaangoyn ku samaynaya nooca daawada, meheradaha loo ogolyahay in ay daawada iibiyaan iyo shuruudo kale oo caalami ah.

Sidda ay warar aan la xaqiijin ay sheegayaan, sharcigan ayaa dib loosoo celiyay "sababo la xiriira dano siyaasadeed iyo kuwa ganacsi". Wasaaradda caafimaadka wali kama jawaabin arrinkan.

Dr Cabdirisaaq Jaalaludiin oo ah agaasimaha isbitaalka Martiini ayaa guddiga u sheegay in ay wax lala yaabo tahay in tayada alwaaxa iyo tan dawada la doonayo in hal hay’ad wada maamusho.

Talaabadan ayuu sheegay in aysan jirin meel dunida ka mid ah oo ay ka jirto. Hadalkan wuxuu iftiiminayaa in ay jirto sababo gaar ah oo laga leeyahay dib-u-qorida sharciga.

Xeerkan ayaa waxa uu qorayaa in hay’ad gaar ah oo dowli ah oo gaar ah loo sameeyo maamulka dawada, iyada oo wasaaradda ay lahaan doonto dajinta siyaasadaha guud oo kaliya sida loo sheegay guddiga Aqalka Sare.

"Horey waxaa loo meelmariyay Hay’adda Xirfadlayaasha Caafimaadka oo shatiyada siisa dhammaan shaqaalaha caafimaadka," ayay raaciyeen illo wareedyadda la hadlay warbaahinta.

Dr Jalaaludiin ayaa dhanka kale ka warbixiyay adeegyada caafimaad oo ay bixiyaan isbitaalada dowladda, isaga oo sheegay in isbitaalka Martiini iyo kan Banaadir ay adeegyo gaarsiiyeen dad ku dhow hal milyan oo qof bishii, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in miisaaniyadda dowladda ay wasaaradda caafimaadka kaga jirto meesha ugu hooseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM