Shariif iyo Xasan oo cadaadiska ku kordhiyey taliska Farmaajo

Image
Madaxwayneyaashii 7aad iyo 8aad ayaa biyo kulul ku shubay tuhunka weeraradii Muqdisho iyo Beledwayne.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynayaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo cambaareeyay dilkii xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi loogu geystay magaaladda Baladweyne iyo weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa dalbaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo dhacdadaan argagaxa leh.

Shariif Sheekh Axmed, oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanka ayaa hay’adda amniga oo laftooda la tuhunsanyahay ka dalbaday in ay baaraan sababta ka dambaysa dhacdooyinkaan isaga oo u soo jeediyay in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah.

"Waxaan hey'adaha Amniga ugu baaqayaa in baaritaan lagu sameeyo sida qaraxa dhacay, waxaan markale u jeedinayaa ciidanka Amniga in ay feejignaantooda kor u qaadaan," ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif oo soo noqday gudoomiyaha fulinta midowgii maxaakiinta Islaamiga ah.

Si ka duwan Sheekh Shariif, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weeraradaan aysan aheyn dhacdooyin caadi ah, isla markaana lagu tilmaami karin dhacdooyin argagixiso.

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dilka xildhibaanad Aamina iyo weerarkii garoonka diyaaraddaha qeybta Mirana Gate labaduba in lagu sameeyo baaris heer caalami ah oo ay ka qeyb qaataan khuburo madax bannaan, wuxuuna ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka shaqeeyo inay baaris caalami ah uu helo shilka lagu dilay xildhibaan Aamino.

Sidoo kale, wuxuu Xasan Sheekh tilmaamay in ujeeddada dilka marxuumada uu ahaa in la aamusiyo cid kasta oo xaqa u dooda iyo cid kasta oo muujiso caddaalad raadinta.

Cadaadiska haysto Madaxtooyadda Soomaaliya

“Waxaan leeyahay kuwa beenaalayaasha ah, bilaa xeetayaasha ah, dhiiga iyo xumaha inay ku naaxayaan ama ku guuleysanayaan ama sharaf iyo karaamo ku gaaraya aaminsan, waxna ku gaari meysaan, dadka Soomaaliyeed waa ka dheg nugul yihiin waxaad sameyneysaan dad fahmi waayay ma ahan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo shacabka mar kale ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay go’aan ugu gaari lahaayeen masiirkooda iyo dowladnimadooda.

Cambaareynta iyo eedeymaha loo jeedinaayo madaxda Villa Somalia ee ah inay ku lug leeyihiin weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa isa soo taraya, iyadoo arrintaani ay tahay mid gilgishay guud ahaan Soomaalida.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku haysay dib-u-doorashadda Aamina iyadda oo u beegsaneysay dedaalka ay ku bixisay sidii ay cadaalad ugu heli lahayd Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsan sirdoonka.

Villa Soomaaliya ayaa warbixino lagu kalsoonaan karo ay muujinayaan in ay kursigan u dooneysay Cumar Faaruuq oo ah wariye hore kaasoo la sheegay in uu nus milyan doolar u bixiyey in uu hanto xubinimaddan.

Ikraan oo kamid ahayd dadka sida dhow ula shaqeynayey Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay'adda mukhaabaraadka qaranka, ayaa la waayey waxaana dowladdu sheegtay in ay afduubatay dishayna Al-Shabaab. Hase ahaatee, xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa si naadir ah waxay isaga fogeysay eedeynta maamulka waqtiga ka dhacay Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM