Shariif Xasan oo loo doortey Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Image

Isniin, Nov 17, 2014 [ GO]- Gudoomiyihii hore ee Barlamannka DKMG ah ee Somalia ayaa loo doortey Madaxweynaha maamulka loogu magacdarey Koonfur Galbeed, kadib markii  Afartii musharax ee la tartameysay tanaasushey.

Musharaxiinta tanaasushey wareegii koowaad iyo labaad ayaa Hoolka doorshada ka sheegtey iney Shariif Xasan xilkaan uga tanaasuleen madaama uu ka bixi karo islamarkaana khibrad lagu hogaamiyo maamulkaan cusub leeyahay.

Ergada ka kooban 396 ayaa doorasho gacan taag ah ku dooratey xubnihii tartamayey, 373 kamid ah ayaa Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed dooratey , 15 kamid ah ayaa diidey halka 8 kalena ka aamustey.

Madaxweynaha cusub maamulka KG ayaa isla-madasha doorashada lagu dhaariyey iyadoo wararka ka imaanaya tibaaxayaan Baydhabo inuu u duulayo is-galabta magaalada Nairobi halkaasoo ka sii aadi doono dalka Denmark.

Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ayaa warsaxafdeed u soo saarey saaka ku diidey natiijada doorashadaan isagoo xusey in dowlada aysan aqoonsan doonin.

Madaxweynaha cusub ayaa waxaa sidoo kale horyaala caqabado badan sida xubnaha maamulka Lixda gobol kuwasoo diidan maamulka Sadexda Gobol.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka kooban  Sadexda gobol ee Shabeeblaha hoose, Bay iyo Bakool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM