Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada ay ciidamada dowladda federaalka ku qaadeen deegaanka Jasiira iyo shirkii mucaaradka ee Muqdisho shalay oo Isniin ahayd, isaga oo ku tilmaamay ficilladaas kuwo aan loo dulqaadan karin.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku xad-gudubtay xuquuqda muwaadiniinta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladda ay la wareegtay Xarunta Haweenka Qaranka [Guriga Hooyooyinka] iyo inay soo rogtay canshuur cusub oo ganacsiga Muqdisho la saarey, isagoo ku sifeeyay falalkaasi inay yihiin “kuwa sharci darro ah oo ka soo horjeeda dastuurka.”

Weerarada soo noq-noqday ayaa imaanaya xili ay jirto xiisad u dhaxaysa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada (Puntland iyo Jubaland). Xasilooni darada siyaasadeed ee sii xumaaneysa waxay muujineysaa khatar weyn oo soo wajahday geedi socodka dib u dhiska iyo dowlad-dhiska dalka.

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si dhaqso ah u sii kordhaya, taasoo muujineysa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii laba laabmeysa, taasoo halis galin karta horumarka jilicsan ee Soomaaliya ee sanadihii u dambeeyay la soo maray. Khubaro ayaa ka digaya in tallaabooyinka dowladda hadda jirta ay keeni karaan cawaaqib xun oo dhammaan shacabka iyo amniga guud ee dalka saameeyaa.

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka iyo isu soo baxa ee Soomaaliya, taasoo su'aalo gelinaysa jihada dalka uu ku socdo inay tahay mid wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM