Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed
MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u dhaliilay dowladda federaalka kadib shirkii dhowaan ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ee Muqdisho, isagoo uga digay Villa Soomaaliya in ay sii huriso kala qaybsanaan siyaasadeed iyo in ay ciidamadda u adeegsato ujeedooyin siyaasadeed.
Sheekh Shariif, oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Jimcihii, ayaa ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu isku dayayo in uu ku dhaqaaqo “isku dayo khatar ah” oo lagu fulinayo ajandayaal siyaasadeed iyadoo la adeegsanayo awood, isaga oo tusaale u soo qaatay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.
“Waa wakhti ay dowladda dadka isu keento oo ay dhegeysato,” ayuu yiri Sheekh Shariif, oo sidoo kale hogaamiya xisbiga Himilo Qaran. “Dowladdu waxay lumisay hoggaaminta. In aad sheegtaan in dowlad cusub laga dhisi karo fawdo noocan ah waa arrin laga xumaado.”
Sheekh Shariif, oo sidoo kale dhaliilay natiijooyinka shirkii NCC, ayaa sheegay in shirkaas uu ku dhammaaday kaliya hadallo ku saabsan dhisidda xisbi weyn, isagoo tilmaamay in tani ay sii kala fogeyn karto shacabka xilli midnimo loo baahanyahay.
“Wax walba oo ka soo baxay shirkii waxay ku urureen hadal ku saabsan dhisidda xisbi weyn,” ayuu yiri. “Tani waa mid sii kala fogeyn karta shacabka xilli midnimo loo baahanyahay.”
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ugu baaqey madaxda hadda joogta Villa Somalia inaysan ku mashquulin aargoosi iyo kursi-isku-dhejin, balse ay ku mashquulaan mideynta shacabka iyo amniga.
Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagu adkeeyay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay iskaashato si loo xoojiyo amniga. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha Jubbaland iyo Puntland — labada dowlad-goboleed ee muhiimka ah — ayaa dhaliyay dhaliilo ka yimid mucaaradka iyo beesha caalamka, kuwaas oo ka digay in go’aamo aan wadatashi ballaaran lagu gaarin aysan noqon karin kuwo sharciyad leh.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, laakiin wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka in aysan si dhab ah u taageerin dadaalka militariga ee ka socda goobaha dagaalka.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya xilli xiisadaha siyaasadeed ay sii kordhayaan iyadoo la isha ku hayo doorashada 2026-ka, waxaana dowlad-goboleedyada qaarkood ku eedeeyeen dowladda dhexe inay wiiqeyso nidaamka federaalka islamarkaana isku dayeyso in awoodda ku uruuriso dowladda dhexe.
GAROWE ONLINE