Shirdoon oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda DFS

Image

November 23, 2014 (GO)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda F. Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacid ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha si dhaqso ah xal looga gaaro, isagoo ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka islamarkaana tixgeliyaan howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud  ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016” ayuu yiri.

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berri ah guddoonka baarlamaanku qorsheynayo in xildhibaanada loo qaybiyo mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed kadib khilaaf mudo dheer soo jiitamayey oo soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM