Shiriif Xasan oo u tartamaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed"

Image

November 16, 2014 (GO)- Xildhibaan Shiriif Xasan Shiikh Aadan oo maanta isaga iyo xildhibaanno kale oo Baarlamaanka Federaalka ka tirsani dib ugu laabteen magaalada Baydhabo ayaa shaaciyey inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Isla maanta ayuu khudbad uu kaga hadlayey waxyaabaha uu qaban doono hadii la doorto ka hor akhriyey ergada shirka Baydhabo isagoo balan qaado badan sameeyey.Qodobada uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in hadii la doorto aanu noqon doonin madaxweyne fikirkiisa keliya ku socda xukunkana geligiis isku kooba haseyeeshee dhammaan qaybaha bulshada si joogto ah ula tashan doono.

Shiriifka oo kamid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon uguna galgalka fiican kuwa kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool wuxuu horay usoo noqday gudoomiyaha Baarlamaanka xilligii dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Xasan Shiikh Aadan hogaaminyey.

Siyaasiyiinta kale ee shaaciyey inay iyaguna xilkaas u tartami doonaan oo tiradoodu afa tahay waxay kala yihiin: Abaa-Awoow Xaaji Suufi Carfaan, Axmed Maxamed Caddoow, Maxamed Cumar Sheekh Daahir (Siyaad) iyo Maxamed Xasan Fiqi.

Todobaad kahor ayey ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya amar ku bixisay in si kumeel gaar ah loo joojiyo shirka Baydhabo ka socda iyadoo sidoo kale Dowladda Federaalku diidey in ilaa amar dambe dhacdo doorashada madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Ergada afarta boqol tiradoodu kor u dhaafayso ee Baydhabo ku shirsan ayaa kasoo horjeestey go'aanka Dowladda Federaalka iyagoo sheegay in bulshada ku dhaqan gobollada maamulka loo sameynayo xaq u leeyihiin si madax bannaan inay aayahooda uga tashadaan shirkuna joogsan doonin ilaa inta maamulka Koonfur Galbeed dhismihiisu soo gaba gaboobayo.

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo shan murashax ku tartami doonaan ayaa dhici doonta maalinta berri ah [November 17, 2014] iyadoo ay codaynayaan ergada ka kooban 419 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM