Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka bilowday Muqdisho

Image
Kulankan ayaa si weyn isha loogu haayaa waxaana ma maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM