Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo xiray iyadoo aanay ka qeyb galin dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, taas oo muujisay kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii kordheysa xilli dalka u diyaar garoobayo doorashooyin muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hoggaaminayay shirkan, ayaa lala xiriiriyay eedeymo ah in hoggaamintiisu keentay kala qaybsanaan siyaasadeed. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, iyo madaxda dowlad-goboleedyada Hirshabeelle (Cali Guudlaawe), Galmudug (Axmed Cabdi Kaariye) iyo Koonfur Galbeed (Cabdicasiis Lafta Gareen).

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. War-murtiyeedka ayaa xusay in loo baahan yahay iskaashi dhow oo dhexmara dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada si looga guuleysto Al-Shabaab.

Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa guulo ka gaaray furimaha dagaalka, inkastoo Al-Shabaab ay dhowaan weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda saaray hannaanka doorashooyinka ee muranka badan dhaliyay. Hoggaamiyayaashu waxay ku heshiiyeen in la dardar geliyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhowaan laga bilaabay magaalada Muqdisho, iyada oo lagu ballamay in ay ku faafto dowlad-goboleedyada.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la faray inuu ballaariyo howlgaladiisa, halka maamulka goboleedyadana laga codsaday in ay fududeeyaan isku dubbaridka arrimaha doorashooyinka. Khilaafka ka taagan habka doorashada ayaa sabab u noqday in Jubbaland iyo Puntland ka baaqsadaan shirka.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu taageeray aqoonsiga SSC-Khaatumo in uu noqdo dowlad-goboleed rasmi ah, arrin uu horey ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre intii uu safarkiisii ugu horreeyay ku tegay Laascaanood. Hoggaamiyayaashu waxay isku raaceen in la dedejiyo geeddi-socodka aqoonsiga rasmiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu amray inay dhex-dhexaadiso dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, si loo xalliyo khilaafka ka taagan dib u eegista dastuurka, oo hakiyay wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda DRC Congo Oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoontey Danjire Ilyaas Cali Xasan

Ugu danbeyn waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirogaliyey kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada ganacsiga.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 04:57AM

Xamsa oo Midowga Yurub Ka Dalbaday Taageero Dheeraad ah xilliga Kala-guurka AUSSOM  

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 12:46PM