Shirkii wadatashiga Jubbooyinka oo soo gaba gaboobay

Image
Image
Image
Image

October 5, 2014 (GO)- Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyey wejigii labaad ee shirka wada-tashiga beelaha jubbooyinka oo saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey ka soconayey magaalada Kismaayo ee xarunta Maamula jubbaland.

Shirka waxaa si rasmi ah usoo xiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe, waxaana xafladda xiritaanka kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socdey Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo; dalalka Itoobiya iyo Japan.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay in shirkaasi sidii loogu tala galay kusoo gaba gaboobay go'aamo wax ku ool ah oo khuseeya horumarka Jubalandna kasoo baxeen.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya loo jiheysan doono dhamaystirka Maamulka Jubba iyo weliba xoreynta deegaanada maamulkaas ka tirsan ee kooxda Al-shabab weli gacanta ku hayso.

Shirka oo furmay 16-ka bishii hore ee September, waxaa mudadii uu socdey xal looga gaaray in badan oo kamid ah khilaafaadkii ka dhex jirey qaar kamid ah beelaha dega gobollada uu Maamulka Jubbaland ka kooban yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM