Siyaasadda Puntland ee gudniinka gabdhaha oo la daah furay

Image
Image
Image

November 12-11-2014 (GO)- Waxaa Maanta jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe lagu Qabtay shir ku saabsan tacadiyada haweenka Soomaaliyeed ku dhaca gaar ahaan Gudniinka Fircooniga ah waxaana lagu soo bandhigay siyaasada dawladda Puntland ee ku wajahan gudniinka fircooniga.

Kulanka waxaa daah furay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo sheegay  in gudniinka gabdhuhu qayb ka yahay dhibaatooyinka loo geysto dumarka sidaas darteed khasab tahay in lasoo afjaro.

Wasiirada Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin oo intaas kadib hadalka qaadatay ayaa bulshada ka codsatay inay ka qayb qaataan socod siinta siyaasada gudniinka fircooniga, iyadoo dhanka kale si qoto dheer uga hadashay dhibaatooyinka gudniinku soo gaarsiiyo haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka Dr Saadiq Eenow oo isna kulnkaas ka hadlay ayaa tilmaamay markii bulshadu ka guurayso dhaqan hore in lagala kulmo caqabado fara badan sidaas darteedna mudo dheer qaadan doonto in si buuxda loosoo afjaro gudniinka fircooniga.

Dawladii hore ee Madaxwayne Cabdiraxmaan Farole hogaaminayey ayaa go'aamo lagu joojinayo gudniinka gabdhaha waxyeeleeya horay usoo saartay, waxayna siyaasadan cusbi xoojinaysaa wacyigelinta ka hor taga ama xakamaynta gudniinka fircooniga.

Dhawrkii sano ee ugu danbeeyey waxaa soo xoogeysanayey qeylo dhaanta laga muujinayo dhibaatooyinka dumarka Soomaaliyeed kala  kulmaan tacadiyo dhowr ah uuna ka mid yahay gudniinka fircoonigu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM