Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Ka Bilaabay Muqdisho – Maxaa Laga Filayaa?

Image

MUQDISHO ( GO)- Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilaabay shir ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online. Shirkan oo la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah ayaa lagu falanqeynayaa arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in shirka diiradda lagu saarayo ka jawaabista qorshaha doorasho ee ay wadato Villa Soomaaliya, kaas oo mucaaradku ku tilmaameen mid aan ku salaysnayn heshiis siyaasadeed oo guud. Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro warmurtiyeed ka tarjumaya mowqifka siyaasiyiinta mucaaradka ee ku aaddan xaaladda dalka.

Sidoo kale, xogaha ayaa muujinaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay qorsheynayaan in ay la kulmaan wakiillo ka tirsan beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho, si ay ugala hadlaan arrimaha doorashooyinka iyo doorka ay beesha caalamka ku leedahay fududeynta is-afgarad siyaasadeed.

Mucaaradku waxay muddooyinkii u dambeeyay dhaliil u jeedinayeen habka loo wajahayo doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay dowladda in ay sameysay faragelin sharci darro ah oo la xiriirta dastuurka federaalka, isla markaana cadaadis siyaasadeed lagu saaray qaar kamid ah maamulada dalka.


Garowe Online waxay sii wadeysaa la socodka kulankan, waxaana la filayaa in warbixinno dheeraad ah laga helo maalmaha soo socda.

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM