Siyaasiyiinta Soomaalida ee wajahaya "ciqaabta Mareykanka"
WASHINGTON, USA – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid doorashada golaha shacabka oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo 15 March 2022.
Qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa lagu yiri “Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa”.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa qoraalkiisa ku cadeeyay “Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”
Si lamid ah go’aankii hore 8 February 2022, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaase la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan oo kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykanka.
Blinken xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka oo sheegay in inkasta oo uu dhiiri-gelinayo horumarka la sameeyey dhowrkii toddobaad ee tegay, haddana waxa uu cadeeyay in ay weli jiraan tobaneeyo kursi oo baarlaman oo aan la buuxin.
"Waxaa jira warbixino la isku haleyn karo oo ku saabsan khaladaad dhanka hanaanka ah. Suxufiyiin ama xubno xisbiyada mucaaradka ka mid ah oo ka shaqeynaya taageeridda hay’adaha dimoqraadiga iyo hanaan daah-duran oo lala beegsaday cagajugleyn, cabsi gelin, xarig iyo rabshado,” ayuu yiri Blinken.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qiimeynta ku-daris dheeri ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo hababka kale ee ay heli karaan, si ay sare ugu qaadaan la-xisaabtanka iyo taageerida dhameystir deg deg ah oo lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya, ayada oo loo marayo hab la sku haleyn karo oo daah-furan.
"Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u taageereysaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeyso sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada laba dhinac,” ayuu yiri.
Qoraal ayaa ka mid ah talaabooyin dheeri ah oo xukumadda Washington ku cadaadinayso hoggaamiyaasha Soomaalida si loo soo gabangabeeyo codaynta dalka oo dib u dhacday mudo ka badan hal sano ka dib khilaaf daba dheeraaday oo u dhexeeyay hoggaansare ee dalka.
GAROWE ONLINE