Somaliland oo miiska wada hadalka ugu baaqday D.Federaalka

Image

Isniin, September 28,2014 [GO]- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaano ayaa madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay yimaadaan miiska wada hadalka.

Hadalkan ayuu Siilaanyo ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hargaysa wuxuna tilmaamay dowladda Xasan Shiikh inay ka war wareegayso wada hadal balse ay muhiim tahay beesha caalamka inay gar waaqsadaan madax banaanidooda.

''Waxaan lee yahay Somaliland waa Qaran madax banaan dadkiisu way tashadeen, Midnimadda Soomaaliya waa tii fashilantay diyaar uma nihin durbaanka Somaliweyn, waxay dowladda Somalia u muuqataa inaanay ixtiraamayn wixii lagu heshiiyay kana war wareegayso miiska wada hadalada waxaan wali idin ku baaqaynaa miiska wada hadalada si aan u kala baxno''.

Dhowr jeer oo hore waxaa dib u dhacay wada hadalkii lagu balan sanaa kaasoo hadda wqtigii loo qabtay uu dhaafay mana jirto ilaa iyo hadda go'aan kasoo baxay madaxda Muqdisho oo ku aadan xiliga diyaarka u yihiin inay wada hadalka la galaan Hargaysa.

Somaliland ayaa u muuqata inaysan raali ka ahayn inay mar kale Soomaaliya kasii mid ahaato halka masuuliyiinta dowladda Federaalkuna ay doonayaan inay dib usoo celiyaan Somaliland tabashadoodana lagu dhameeyo wada hadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Dowladaha Federaalka iyo Jubaland Oo Fashilmay

Kuma eka Jubaland oo keliya; Xasan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    06-10-2025

  • 10:31AM

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM