Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Image

BAKU – Dowladaha Somaliya iyo Azerbaijan ayaa saxiixay Heshiis ku saabsan shidaalka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka tamarta ee labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Azerbaijan, Parviz Shahbazov, Khamiistii.

Heshiiska ayaa la ansixiyey ka dib wadahal dhexmaray Wasiirada Batroolka labada dal Shahbazov iyo Dahir Shire Maxamed, oo ku kulmay magaaladda Baku, ee caasimada dalka Azerbaijan.

"Waxaan qiimeynay fursadaha lagu aasaasayo iskaashi tamareed anagoo wada hadal la yeelanay Wasiirka Saliidda iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dahir Shire Maxamed," ayuu yiri Shahbazov. "Waxaan saxiixnay Heshiis Iskaashi oo ku saabsan saliidda iyo gaaska ee u dhexeeya Wasaaradda Tamarta ee Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Wasaaradda Saliidda iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya."

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay heshiiska inuu yahay marxalad muhiim ah, isagoo yiri, "Heshiiskan wuxuu calaamad u yahay talaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga iyadoo la adeegsanayo khibradda ballaaran ee Azerbaijan ee mashruucyada saliidda iyo gaaska."

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta. Inkastoo faahfaahinta gaarka ah ee iskaashigan aan la shaacin, heshiisku wuxuu muujinayaa niyad wadajir ah oo lagu baari karo fursadaha ka jira sektorada saliidda iyo gaaska.

Azerbaijan, oo ah dal muhiim ah oo ku jira suuqyada tamarta ee gobolada Caspian, ayaa si weyn looga aqoonsan yahay soo saarista saliidda iyo gaaska, halka Somaliya, oo leh shidaal badan, ay doonayso inay ka faa'ideysato iskaashiga noocan oo kale ah si ay u horumariso kheyraadkeeda.

Saxiixidda heshiiskani waxay muujinaysaa isbeddel sii kordhaya oo ku saabsan diblomaasiyadda tamarta iyadoo dalalka ay doonayaan inay kala dardargeliyaan xiriirka dhaqaale ee kala dhexeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM