Soomaali mudo ku xirnayd Zimbabwe oo Muqdisho la keenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan Safiirka u fadhiya wadanka Zimbabwe, Jamaal Maxamed Barrow ayaa ku guuleystay wadahadal lagu soo deynayay 15 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo dalkaan mudo maxbuus ku ahaa.

15-ka qof ayaa waxay ku jireen xabsiga dhexe ee Magaalada Harare ee caasimada Zimbabwe, ku dhawaad muddo 8 bilood, waxana bishii November soo xiray ciidamada amaanka, kadib markii si sharci daro ah ay dalkaas ku galeen.

Danjire Barrow ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la filayo in lasoo sii daayo Todobo qof oo kale, kuwaasoo uu tilmaamay inay iyagana hadda ku jireen Xabsiyadda wadanka Zimbabwe.

Wuxuu u mahad-celiyay Safiirka Jaaliyadda dalka Hindiya, kuwaasoo uu tilmaamay inay iyaga bixiyaan qarashaadka dalka dib loogu soo celiyay 15-ka qof ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed ah.

Safiirka wuxuu kaloo mahad-naq uu ujeediyay dowladda Zimbabwe, oo ku tilmaamay tahay mid xiriir wanaagsan oo soo jireen ah la leh xukuumadda Muqdisho, isagoo balanqaaday inay si dhow ula shqayn doonan.

Xabsiyadda caalamka waxaa ku jira muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasoo falal dambiyeedyo kala duwan lagu soo eedeeyay, iyadoo dowladda hadda jirta u muuqato mid indhaha ka laabaatey inay wax ka qabto arrimahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM