Soomaaliya: Bajaajle hubka u daabuli jiray Al-Shabaab oo la xukumay

Image
Maxamed Farxaan Bashiir ayaa la sheegay in uu bishii mushahar ahaan u qaadan jiray $80.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa 15-sano xabsi ciidan ah waxay ku riday Maxamed Farxaan Bashiir kaasoo lagu eedeeyay in uu hubka u daabuli jiray maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, xukunsanaha ayaa hubkan ku daabulayey mooto Bajaaj loogu iibiyey celis ahaan wuxuuna bishii mushahar ahaan u qaadan jiray $80.

"Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha," ayaa la raaciyey bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan".

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Maxamed Farxan Bashiir Khamiis ayaa Khawaarijta Alshabaab kaga biiray Xamar bishii Lixaad ee 2022, waxaana ku tashkiiliyay saxiibkiis, waxa uu tababar sadax maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, ka dibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faa'isa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan $2,550, Maxamed ayaa mdudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha.

Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.

Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalan uu ku baxsaday gacanta ciidamada, ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo heshiis cusub Qaahira kula galay Al-Siisi

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga, iyo arrimaha xuduudaha, gaar ahaan ka hortagga falalka argagixisada.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 02:29PM

Cirro oo Mushahaarka u kordhiyay Ciidamada Somaliland

Madaxweyne Irro ayaa sidoo kale ballanqaaday in la hagaajin doono xirfadaha iyo awoodda ciidamada Somaliland.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 09:36AM