Soomaaliya: Cabdiraxmaan Cirro oo u safray dalka Imaaraadka

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Cirro, ayaa bilaabay booqashadiisii ugu horeysay oo ku tagayo Imaaraadka Carabta, wuxuuna diyaarad gaar ah ka raacay Maanta Garoonka magaaladda Hargeysa.

Shirkado laga leeyahay Imaaraadka ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan maalgashiga Somaliland, sida Dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor oo xiriir u ah Somaliland iyo Itoobiya.

Booqashadan ayaa imaanaysa xili isbedel uu ka dhacay Somaliland, oo maamulka cusub ee Cirro uu rabo inuu dib u egeis ku sameeyo heshiisyadii horey u gashay dowladdii Muuse Bixii, waxaana kamid ah midka badda ee Itoobiya oo u muuqda inuu fashilmay.

Somaliland ayaa raadinaysay wax aqoonsi siiya mudo 34 sano ah, waxaana gudahooda ka socda dagaallo iyo kala go' oo kasoo dhex baxayaan Maamull kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM