Soomaaliya: Duqeyn cirka oo ka dhacday duleedka Kismaayo

Image

MUQDISHO - Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka kaasoo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay weerar ay ku qaadaan deegaankaasi, iyadoo warar horudhac ah ay xaqiijinayaan in 10 ka tirsan kooxda lagu dilay goobta la duqeeyay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Sarkaal katirsan Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan uu hoosta ka xariiqayo sida ay uga go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, si looga adkaado Al-Shabaab loogana hortago weerarada ay ka fulinayso dalka.

Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa muujinaya dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, oo mudoka badan 30 sano colaado kusoo jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM