Soomaaliya: Ibraahim Iidle oo xilka wareejiyay, eedeyna u jeediyay DFS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ibraahim Iidle Suleymaan, Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta xilka ku wareejiyay Baashe Yuusuf Axmed, kadib markii uu Todobaadkii lasoo dhaafay uu Madaxweyne Farmaajo xilka qaadis ku sameeyay.

Xil-wareejin ka dhacday maanta xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir ayay labada mas'uul xilalka ku kala wareegeen, iyadoo ay munaasabada kasoo qeyb-galeen madax katirsan labada golle ee dowladda iyo Ururka Qareenada Soomaaliyeed.

Ibraahim Iidle ayaa sheegay in xilka qaadistiisa aanan loo marin qaab sharciga dalka waafaqsan, sidaasi darteedna ku diiday inuu xilka wareejiyo, illaa ugu dambeyntii wadahadallo hoose lagu qanciyo.

Isagoo ka hadlay dhismaha Gudiga Adeegga Garsoorka, ayuu Ibraahim Iidle ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay arinkaasi ay ka gaabisay, islamarkaana ku guuldareysatay inay isaga kala shaqeyso dib u habeynta Garsoorka dalka.

Gudigan oo 5 kamid ah xubnihii magacaabis ku imaanayaan ayaa mudo dheer doodiisu taagneyd iyadoo illaa hadda Xukuumadda Federaalka soo bandhigin qorshaheeda ku aadan dhisamihiisa.

Lama oga waxa sababay isbedalka ku yimid mowqifkiisa, laakiin warar ayaa sheegaya in Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay ku qanciyeen inuu xilka baneeyo, islamarkaana xafiiska ku wareejiyo Baashe Yuusuf.

Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa kasoo jeeda Somaliland, si lamid ah Ibraahim Iidle Suleymaan, oo xilkan soo hayay tan iyo 2016-kii oo Xasan Sheekh u magacaabay.

Mas'uulka cusub Baashe Yuusuf ayaa waxa uu kasoo shaqeeyay NGO lagu magacaabo Mercy Corps, oo uu kasoo noqday Sarkaal u qaabilsan barnaamijyada, waxaana uu sidoo kale xilal kasoo qabtey maamulka Somaliland iyo xisbiga WADDANI.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Gudoomiyaha Maxkamada sarre ee dalka Soomaaliya dib uga noqdo go'aan uu ku diidey inuu xilka ku wareejiyo, waxaase Ibraahim Iidle kasii horeeyay Ceydiid Ika-xanaf oo isaga lagu bedalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM