Soomaaliya iyo Finland oo ka shiray "xoojinta xiriirka laba geesoodka"

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto, ayaa la kulmay madaxwayne Xasan Sheekh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto, ayaa Jimcadii shalay ahayd waxa uu booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Abshir Jaamac Cumar Haruushe, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana ay yeesheen "wadahadalo horudhac ah".

"Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan," ayuu yiri Haruushe.

Haruushe ayaa ku daray: "Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo laamaha dowladda ah, waxayna booqan doonaan xarumo kala duwan".

Wadahadalka Haruushe kadib, wafdiga ayaa loo galbiyey dhinaca Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay kula kulmeen madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kamid ah dowladiisa.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhinacyadda ay diiradda saareen "xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa'iidada u leh labada dal".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa'iidada u leh labada dal," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Dowladda Finland ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna".

Finland ayaa kamid ah wadamadda si aadka ah u daneeya arrimaha shidaal qodista Soomaaliya waxaana socdaalka wasiirka arrimaha dibadda dalkaas uu imaanayaa xilli dowadda federaalka ku howlan tahay arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM