Soomaaliya iyo IOM oo ka shiray ka hortagga qulqulka tahriibka

Image
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha horumarineed ee Soomaaliya.

Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM