Soomaaliya iyo Malaysia oo ka shiray xoojinta iskaashiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Malaysia ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad, intii lagu jiray bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud sida ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta labada dal.

Labada masuul ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kor u qaadaya koboca iyo faa’iidooyinka labada Wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM