Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo heshiis kala saxiixday
MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa ku heshiiyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo bedeli doona AMISOM laga bilaabo 1-da Abriil sida u cad qoraal wadajir ah oo ka soo baxay AMISOM iyo SNA.
Fikradda Hawlgallada cusub (CONOPS 2022-2024) waa dukumeenti dhammaystiran oo ay weheliyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP), jihayn doona hawlgallada hawlgalka cusub, kaas oo loogu yeei droono Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Go’aanka lagu dhisayo guddiga farsamada ee isku dhafka ah ayaa lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaddib shir socday afar maalmood oo lagu qorsheynayay sidii AMISOM looga badali lahaa ATMIS.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socday DFS, Taliyeyaasha Ciidamada XDS iyo AMISOM, Wakiilo ka socday Booliska Soomaaliya iyo Booliska AMISOM, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageerada Soomaaliya ee UNSOS, UNMAS, Kooxda Taageerada Hawlgalka ee UK (UKMST), Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM), iyo qaar ka mid ah Saaxiibada Soomaaliya.
“Waxaa la soo jeediyay in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban wakiillo ka socda ATMIS, Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo UNSOS la sameeyo muddo laba bilood gudahood ah si ay ugu heshiiyaan hirgelinta qorshaha CONOPS ee la soo jeediyay. Waa in wada xaajoodyadu ka socdaan gudaha tiyaatarka hawlgallada si loogu heshiiyo in Saldhigyada Hawl-galka (FOB) lagu wareejiyo, laga guuro ama la burburiyo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidammada AMISOM, Sarreeye Guud Diomede Ndegeya.
Lieutenant General Ndegeya ayaa ku celceliyay in Al-Shabaab ay wali halis ku yihiin amniga Soomaaliya, hoos u dhigida maleeshiyaadka hubeysan ay wali tahay mudnaan muhiim ah oo loo galayo howlgalka cusub. Si taas loo gaaro, waxa uu ugu baaqay taliyeyaasha qeybaha CXDS iyo ATMIS in ay sii wadaan fulinta howlgallada wadajirka ah ee la beegsanayo, iyo sidoo kale in la howlgaliyo Xarumaha Isku-duwidda Howlgalka Wadajirka ah ee ay AMISOM dhawaan u dhistay si ay uga caawiso isku-duwidda xogta iyo waxqabadyada.
“Marka la eego qiimeynta Awooda kooxda, waxaa la arkay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya. Goboladda ay wali awooda ku leeyihiin waxaa ka mid ah Jubaland, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, iyo Galmudug. Isticmaalka Walxaha Qarxa ayaa weli ah hubka ay Al-shabaab ku fuliso gabood-fallada baaxadda leh,” ayuu yiri General Ndegeya.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in guulihii ay soo hooyeen AMISOM tan iyo markii ay Soomaaliya ka howlgalayeen 2007-dii in lagu wareejinayo ATMIS-ta iyada oo la tayeynayo ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay ugu diyaar garoobaan la wareegidda mas’uuliyadda amniga Soomaaliya. laga bilaabo ATMIS sanadka 2024.
“XFS waxaa ka go’an in ka badan sidii hore in ay xaqiijiso in ciidamadeeda amniga ay noqdaan kuwo tayo leh oo loo qalabeeyo si ay u gaaraan heerka looga baahan yahay guulaha laga gaaray hirgelinta CONOPS iyo in la buuxiyo halbeegyada Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka ayaa ku baaqay in la kordhiyo howlaha isku xirka ciidamada madaniga ah ee hoos yimaada ATMIS si bulshada deegaanka ay u dareemaan saameynta wanaagsan ee nabad ilaalintu ay ku yeelanayaan nolol maalmeedkooda, ayna kala shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
“In laga adkaado Al-Shabaab ma ahan in lagu koobo qaab ciidan oo kaliya, waxaan u baahanahay is dhexgal bulsho oo dheeraad ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida goobaha la xoreeyay anagoo awood u siineyna CIMIC awoodeeda korna loo qaado si loo daboolo baahiyaha muhiimka ah ee bulshada iyo wanaajinta xiriirka ciidamada rayidka ah. si loo kasbado quluubta iyo maskaxda dadka,” ayuu yiri Nuur.
Taliyaha Ciidanka CXDS, General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in saaxiibada caalamka ay u gudbiyaan taageerada saadka, kaliya maahan hawlgalada wadajirka ah ee ka dhaxeeya XDS iyo ATMIS, laakiin sidoo kale hawlgalada ay si madaxbanaan u fuliyaan ciidamada CXDS.
GAROWE ONLINE