Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka shiray dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha

Image
Kulanka labada wasiir ayaa waxa uu ka dhacay waddanka Algeria.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Algeria kaga qeyb galaya shirka Wasiirada Howlaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa shir gaar ah la yeeshay Wasiirka Howlaha Guud ee Dalka Shiinaha Ni Hong oo ka qeyb ka ah shirkaas.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan dhanka dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, inta uu shirka socday wasiir Xeyd ayaa sidoo kale la wadaagay Wasiirka in Soomaaliya uu ka jiro xaalad soo kabasho oo dhanka dhismaha ah, Dowladda shiinahana looga baahanyahay in ay qabteeda ka qaadato.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Dalka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in labada Wasaaradood ee Soomaaliya iyo Shiinaha ay kor u qaadi doonaan xiriirka & iskaashiga dhanka Dhismaha, Dhib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Aqoon iswaydaarsiga iyo maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM