Soomaaliya iyo Suudaan oo kawada hadlay fursadaha maalgashiga

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirka qorsheynta Suudana, Marwo Axlaam.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee waddanka Suudaan, Axlaam Madani Mahdi.

Axlaan ayaa waxay hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan oo ka qabsoomay caasimadda Muqdisho.

Xamse ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran.

Ganacsatada Suudaan ayuu wasiirka koowaad hoosta ka xariiqay in ay si gaar ah u caawineyso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya "labada waddan ee walaalaha ah".

Dhankeeda, Marwo Axlaam ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN.

Wafdigeeda ayay tibaaxdey in ay kamid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taas oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Suudaan waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaankun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM