Soomaaliya iyo Uganda oo ka shiray ajendaha Afrika ee Golaha Ammaanka

Image
Arrimaha laga hadlay waxaa kamid ah barnaamijyadda ay labada dal wadaagaan ee hay’adaha UNEP.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku simaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigenyi, ayaa booqatay Safiirka Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle.

Wadahadalada dhexmaray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha danaha u ah labada dal.

Arrimaha laga hadlay waxaa kamid ah barnaamijyadda ay labada dal wadaagaan ee hay’adaha UNEP, UN-Habitat ee fadhigooda yahay Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, waxay kwada hadleen ajendaha qaarada Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM