Soomaaliya iyo UK oo kawada hadlay masiirka doorashooyinka dalka

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Michael Nithavrianakis ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda.

Xamse ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.

Danjire Michael ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM