Soomaaliya oo Dadaal ugu Jirta In Itoobiya Ka Mid Noqoto Howlgalka Cusub ee Midowga Afrika

Image

MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa ku hawlan sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamo ee Howlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida uu shaaciyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad.

Cali Balcad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya horey u qeybisay tirada guud ee ciidamada ee laga filayo inay ka yimaadaan waddamada ka qeyb galaya. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tilmaamay in wada-hadallo lagu xallinayo kaalinta Itoobiya ay socdaan.

“Caqabadaha horay u hor istaagay Itoobiya inay qayb ka noqoto AUSSOM waxay ka soo bilowdeen heshiiska is-afgaradka (MOU). Arrimahaas hadda waa la xalliyay,” ayuu yiri Balcad. “Hase yeeshee, caqabadda jirta waa qoondadii ciidanka oo inta badan horey loo qeybsaday, wax harsanna ma jiraan. Waxaan ku dadaaleynaa sidii arrintaas xal loogu heli lahaa.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay dhowaan u safri doonaan Itoobiya si ay ugala xaajoodaan dhinacyada farsamo ee howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Balcad wuxuu xaqiijiyay in Itoobiya ay dhowaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka cusub ee Soomaaliya ee Itoobiya uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqadiisa.

Howlgalka AUSSOM ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xasillooni gelinayo Soomaaliya, iyadoo uu Midowga Afrika ujeedkiisu yahay in lagu taageero hawlgallada ay hoggaaminayaan Soomaalida ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM