Soomaaliya oo ka hadashay diyaaradda ku burburtey Shiinaha

Image
Image
Dhamaan rakaabkii saarnaa duulimaadka ayaa lagu waramayaa in ay ku naf-waayeen shilkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wangi Yi.

Cali iyo Yi ayaa kamid ah ka qeybgaleyaasha meertada 48-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka bilowday Pakistan.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga, kalluumaysiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

"Wasiir Cabdisaciid ayaa la wadaagay dhiggiisa Shiinaha tacsi ku aaddan dhibbaneyaashii ay waxyeelladu ka soo gaartay diyaaraddii ku burburtay dalka Shiinaha," ayay tiri wasaarada arrimaha dibada.

Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Isaga oo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen".

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay ka miro-dhalinta xiriirka soo jireenka ah ee ku qotomo ixtiraamka madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shiinaha.

"Waxayna ku heshiiyeen in ay si dhow isaga kaashadaan xoojinta iyo ilaalinta xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM