Soomaaliya oo ka hadashay diyaaradda ku burburtey Shiinaha

Image
Image
Dhamaan rakaabkii saarnaa duulimaadka ayaa lagu waramayaa in ay ku naf-waayeen shilkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wangi Yi.

Cali iyo Yi ayaa kamid ah ka qeybgaleyaasha meertada 48-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka bilowday Pakistan.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga, kalluumaysiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

"Wasiir Cabdisaciid ayaa la wadaagay dhiggiisa Shiinaha tacsi ku aaddan dhibbaneyaashii ay waxyeelladu ka soo gaartay diyaaraddii ku burburtay dalka Shiinaha," ayay tiri wasaarada arrimaha dibada.

Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Isaga oo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen".

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay ka miro-dhalinta xiriirka soo jireenka ah ee ku qotomo ixtiraamka madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shiinaha.

"Waxayna ku heshiiyeen in ay si dhow isaga kaashadaan xoojinta iyo ilaalinta xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM