Soomaaliya oo kahor-timid Dalabka Mareykanka ee Dib-u-dejinta Shacabka Qasa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u diiday dalabkii Mareykanka ee ahaa in qayb ka mid ah dadka reer Qasa, sida ay warisay Reuters Arbacadii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbalaynin wax qorshe ah oo dhaawacaya xaqa dadka reer Falastiin ee ah inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda.

Fiqi ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan helin wax dalab rasmi ah oo ka yimid Mareykanka oo tilmaamaya in Soomaaliya ay martigeliso dadka reer Qasa.

“Ma aqbalayno qorshe kasta oo loogu talagalay dib-u-dejinta qaxootiga reer Falastiin ee dhulka Soomaaliya,” ayuu Fiqi u sheegay Reuters.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, saraakiil ka socota Mareykanka iyo Israa’iil ayaa xaqiijiyay in wadahadallo socda ay ku saabsan yihiin dejinta dadka reer Qasa, oo ay ku lug leeyihiin Mareykanka, Israa’iil, Soomaaliya, Somaliland, iyo Suudaan. Si kastaba, Suudaan ayaa horey u diiday dalabka Washington.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo muujiyay daneyn ku aaddan magaalada Qasa ee burbursan, ayaa la sheegay in uu doonayo in uu la wareego gobolkaas iyo inuu fududeeyo dib-u-dejinta reer Falastiin waddamo kale, oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dalabkan ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeestay shacabka Falastiin iyo waddamada Carabta, kuwaas oo hadda wadda qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu dhisaan Qasa si ay uga hortagaan qorshaha Trump ee ku aaddan dib-u-dejinta.

Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay taageero dhaqaale iyo amni oo ka timaada Mareykanka, taasoo ay ka mid tahay tababarka cutubka kumaandooska Danab iyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Boqolaal askari oo Mareykanka ah ayaa ku sugan dalka, iyadoo inta badan laga saaray ka hor inta uusan Trump ka bixin Aqalka Cad ee 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir gaar ah oo doorashadda ku saabsan ku qabanaya Muqdisho

Khilaafka ka dhex jira maamulka Jubaland iyo Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ah mid sii murjeynaya wadahadalada siyaasadeed.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 02:19PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu waramay inuu shuruud ku xiray booqashadiisa Laascaanood

Mas’uuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 12:49PM