Soomaaliya oo ku dhow in ay lumiso taageeradda caalamiga ah

Image
Soomaaliya ayaa 2017-kii ku guulaysatay in ay bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka kadib dib-u-habeyn ballaaran.

MUQDISHO, Soomaaliya – Taageerada caalamiga ah ee ay Soomaaliya ka hesho saaxibada beesha Caalamka sida midowga Yurub,  bankiga aduunka, hay’adda lacagta aduunka iyo dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa khatar ku jirta, sidda ay sheegtay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Maraykanka ayaa hadalkaan sheegtay ka dib kulan dhex maray Danjire André iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

“Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” ayaa lagu yiri qoraalka ay faafisay safaaradda maanta oo Isniin ah.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Edward André Jr iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Kristina Svensson ayaa sidoo kale ka wada hadlay walaaca laga qabo in qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya in uu dib u dhac ku imaan karo haddii aan dowlad la dhisin dhawaan.

Barnaamij muhiim ah oo ay IMF taageerto oo lagu maalgeliyo mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa la joojinayaa bisha May haddii dib u dhac kale uu ku yimaada doorashada sida ay horay u  sheegay madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo dagaallo sokeeye ka socdeen tan iyo 1991-kii, ayaa 2017-kii ku guulaysatay in ay bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka iyada oo u mahadcelinaysa IMF-ta maadaama ay qayb ka qaadanayso in si tartiib tartiib ah loo dhiso hay’adaha dowladda iyo nidaamka maaliyada dalka oo guuldaraystay in uu sameeyo xisaab xir sax sadexdii sano ee ugu dambaysay.

Barnaamijka miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad 400 oo milyan oo dollar, ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badan 5 bilyan oo doolar.

Laakin barnaamijku si toos ah ayuu u dhamaanayaa haddii aysan jirin dowlad cusub oo lagu soo gabagabeynayo ilaa 17ka May, sida uu sheegay Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM