Soomaaliya oo la hor-dhigay dalab ku saabsan dagaalka Ukraine

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Finland ayaa soojeedintan usoo bandhigay madaxwayne Xasan Sheekh.

HELSINK, Finland - Wasiirka arrimaha dibadda Finland oo Jimcihii booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka warbixiyey wadahadalada uu la yeeshay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Pekka Haavisto ayaa, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradiisa, waxaa lagu caddeeyay in uu Xasan Sheekh hor-dhigay dalab ku saabsan dagaalka Ukraine.

“Waxaan la socodsiiyay madaxda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka taageerto beesha caalamka dadaallada lagu soo afjarayo duullaanka Ruushka ee Ukraine,” ayuu Haavisto ku yiri bayaanka.

Marka laga soo tago duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxaa sidoo kale ajandayaasha ka mid ahaa xiriirka labada dal ee Finland iyo Soomaaliya, sidda ku xusan warka qoraalka ah.

Si lamid ah, wadaxaajoodyadda ayaa lagu falanqeeyay arrimaha siyaasadda iyo nabadeynta Soomaaliya iyo Geeska Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Finland waxay qabanayaan shaqo aad u qiimo badan oo ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya dalalkeenna," ayuu Haavisto hadalkiisa ku daray.

Soomaalida ku nool Finland ayaa lagu tirayaa in ay yihiin bulshadda afaraad ee ugu tiradda badan. Soomaalidu waxay markii hore qaxooti ku noqdeen dagaal sokeeye horraantii sagaashamaadkii.

Sidda ay daabacdey warbaahinta maxaliga ah, Finland waxaa ku nool ilaa 20,000 oo qof oo ku hadla afka Soomaaliga, halka ku dhawaad ​​18 boqolkiiba dadkaas Soomaaliyeed ay badankooda ku dhasheen Finland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM