Maxaad ka taqaanaa Agaasimihii hore ee NISA ee Xildhibaanka noqdey?

Image
Image
Image
Image
Image
Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa horkacaya mukhaabaraadka kusoo biiray Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shaley ku guuleystay kursiga xildhibaannimo ee beeshiisa kaas oo tirsigiisu yahay HOP#058. Haddaba waxa aan qoraalkan ku lafa-guri doonnaa aqoonta aan u leenahay ninkan oo horay usoo noqday agaasimaha hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirodonka Qaranka Soomaaliya.

Musharixiin gaaraya illaa 6 oo ay ku jiraan siyaasiyiin culculus oo magac leh ayaa kula tartamay doorashadii ka dhacday magaalada Beledweyne ee sida weyn isha loogu haye.

Waxaana dadka tartamaye ka mid ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeele, Cali Cabdullaahi Cosoble iyo kuwo kale oo la sheegay in ay ka socdeen dhanka Villa Soomaaliya, waxaana tartanka ka haray Nuur Iidow Beyle oo ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursiga ka dib markii loolanka kursiga laga dhigay mid furan.

Sababaha isha loogu haye waxaa ka mid ah in isbuucii lasoo dhaafay ay qaraxyo ka dhaceen magaalada Beledweyne xilli ay socotay doorashada. Qaraxyadan ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 58 qof kuwaas oo iskugu jira siyaasiyiin, shacab iyo ciidan.

Alle ha u naxariistee waxaa dadka ku dhintay ka mid ahayd xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo aad loogu yaqaanay u hadlidda dulmanayaasha.

Waa kuma Sanbaloolshe?

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) waxa uu ku dhashay degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan sanaddii 1968, waxa uuna soo qabtay xilal badan oo kala duwan kuwaas oo iskugu jira amniga, siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Waxa uu soo shaacbaxay markii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee magaceeda loosoo gaabiyo NISA.

Sanbaloolshe ayaa horey usoo noqday wasiir Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, waxaana wadanka ka taagnaa xilligaas dhibaatooyin amni oo aad u badan.

Waxaa kale oo uu soo ahaa danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka UK iyo sidoo kale xildhibaan golaha shacabka. Laba mar ayuu hogaanka u qabtay hay’adda NISA asagoo labada marba shaqada laga eryay.

9-kii bishii Luulyo ee sanaddii 2014 ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud markii ugu horeysay u magacaabay agaasimaha NISA asagoo jagada kala wareegay Bashiir Maxamed Jaamac.

Intii uu xilka haye waxaa lagu xasuustaa weerarkii lagu qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Axmed Daaci oo ahaa gudoomiye degmo iyo Xildhibaan Cabdiweli Qanyare, waxaana halkaas ka dhacay rabshado khasaare ka dhashay.

Golaha wasiiradda ayaa xilka ka qaaday dhowr bilood ka dib dhacdadaas, asagoo lagu badalay Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, waxuuna sugayay 6 bilood ka hor inta aysan dowladda Turkiga aqbalin safiirnimadiisa.

Mucaarad aan aragtidiisa la gaban

Isaga oo safiir ah ayuu dhammaaday waqtigii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u tartamay kursi xildhibaan oo doorashadiisu ka dhacday magaalada Jowhar, wuuna ku guulaystay.

Sanbaloolshe ayaa xubinnimadiisii golaha shacabka waaye ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  u magacaabay xilka agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA horaantii bishii affaraad ee sanadkii 2017.

Sanbaloolshe ayaa isla markiiba la yimid qorshe loogu magac daray 'Xasilinta Caasimadda', waxaana la dhisay ciidammo isku dhaf ah oo loogu talagalay in ay sugaan amniga Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho gudaheeda laga mamnuucay hubka, iyada oo dadka lagu wargaliyay in ay hubkooda dowladda kusoo wareejiyaan. Go’aankan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, loona fasirtay in hub ka dhigis la samaynayo iyada oo aanan la heynin wax dammaanad ah oo lagu sugayo amniga dadka hubka laga qaaday.

Balse, si la mid ah sidii hore, dhowr bilood kaddib ayay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda xilkaas ka qaadeen 27-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii. Lama shaacinin sababta xilka looga qaaday.

Arrimhii ugu hadal heynta badnaa ee uu Sanbaloolshe ka hadlay waxaa ka mid ah kiiskii Qalbi Dhagax. Waxa uu xilligaas yiri, "Anigoo af duubaaya dowladda, waxaan jeclaan lahaa in xitaa madaxda sare aysan ka hadlin arrinkaas".

Sanbaloolshe ayaa muddooyinkii u danbeeyay dhaleeceynayay siyaasadda Villa Soomaaliya, asagoo aad ooga soo horjeestay muddo kordhintii fashilantay ee la doonaye in labo sano dheeraad ah loogu daro muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM