Soomaaliya oo taageero u raadineysa mashaariicda beeraha

Image
Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qadiyadan kaasoo ay ka qeybgaleen madax kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir guddoomiyay Kulanka Isku-xirka ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo USAID/FCDO.

Kulankaan wuxuu isku keenay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, USAID, FCDO, iyo hey’adaha la-hawlgala si looga wada hadlo sida taageerada USAID iyo FCDO ay uga qayb qaadanayaan mudnaanta qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madasha waxaa kale oo lagu wadaagay xogaha ku saabsan mashaariicda socda iyo kuwa la qorsheynayo in ay bilaawdaan.

Inta shirka uu socday Caqabadaha taagan ee la isla arkay waxaa ka mid ah Mashaariic isku mid ah laga fuliyo deegaano isku dhow, taasoo keenta in kharash aan loo isticmaalin baahiyaha jira waxtarkuna yaraado.

Deegaano nugul oo aan helin adeegyo ku filan sababo la xiriira isku-xir la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM