Soomaaliya: Puntland oo soo saartay amar culus xili ay dagaal ku jirto

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa soo saartay dhowr amarro amni oo cusub, kuwaasoo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa ajaaniibta.

Laga bilaabo 25-ka January 2025, dadka aan haysan deganaansho sharci ah ma kiraysan karaan guryo, ma heli karaan lambarka telefoonka, sidoo kalena ma shaqaysan karaan. 

Sidoo kale, shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu armay inaysan teleefon number siin karin dad aan damiin wadan ama la aqoon, waxaana sidoo kale la mamnuucay dadka ku dawarsada/tuugsada lambarada.

Ganacsiyada yaryar ee aan shati lahayn ee ka howlgala suuqyada dadweynaha waa la mamnuucay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa amarada soo saartay xili sare loo qaadey feejignaanta amniga magaalooyinka Puntland, maadaama dagaal lagula jiro Daacish.

Amarradan ayaa qeyb ka ah dadaalka Puntland ee lagu xoojinayo xakameynta dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah ee ajaaniibta. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku boorineysa dadka shacabka ah iyo shirkadaha inay ixtiraamaan xeerarka cusub ee amniga.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM

Degganaansho oo Kusoo Laabatay Muqdisho Kadib Labo Maalin oo Dagaal Ah

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 06:40AM