Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Ku Wajahan Masar, Muxuu Ka Doonayaa?

Image

Muqdishu (Garowe Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago dalka Masar maalmaha soo socda, sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen warsidaha Garowe Online. Booqashada madaxweynaha ayaa la filayaa inay timaado dhowr maalmood kadib marka uu magaalada Muqdisho dib ugu soo laabto saacadaha soo socda. 

Wararka la xiriira safarkan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu warbixin siin doono Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ku saabsan booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya. Intii uu joogay Addis Ababa, Xasan Sheekh ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Masar iyo Itoobiya: Muranka Wabiga Nile iyo Doorarka Soomaaliya

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer ku muransanaa biyo-xireenka Nile, waxaana wararka soo baxaya tilmaamayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dayayo in Soomaaliya ay saaxiibtinimo wada jir ah la yeelato labada dhinac, Addis Ababa iyo Qaahira. Si kastaba ha ahaatee, ilo diplomaasiyadeed ayaa sheegaya in labadan hoggaamiye, Madaxweyne Sisi iyo Abiy Ahmed, aysan ku qanacsaneyn doorka Soomaaliya cayaareyso.

Villa Somalia ayaa horey isbaheysi ka dhan ah Itoobiya ula gashay Masar iyo Eritrea. Hase yeeshee, heshiiskii Ankara ayaa bedelay, iyadoo Turkigu, oo aan saaxiib fiican la ahayn Masar, uu heshiis dhex dhigey-  Soomaaliya iyo Itoobiya, oo xiriirkoodii xumaaday kadib markii Somaliland iyo Addis Ababa ay kala saxiixdeen heshiis badda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo haatan ku sugan Qaahira, ayaa ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyey Garowe Online in Villa Soomaaliya ay dooneyso inay ku qanciso Masar in dagaal siyaasadeed iyo mid milatari midna aan waqtigan macquul ahayn iney Itoobiya la galaan, maadaama Soomaaliya aysan heysan awood ciidan oo ku filan, sidoo kalena Villa Somalia xiriir xooggan la leheyn maamulada  dalka ka jira. Sidaas darreed Muqdisho waxay u sheegeysaa Masar inay ku khasban tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Addis Ababa, si heshiiska badda ee hore u dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland meesha looga saaro isagana. 

Hase yeeshee, xogaha qaar ayaa tilmaamaya in Masar aysan ku qanacsaneyn aragtida Soomaaliya ee ku aaddan xalinta xiisadda labada dal.

Soo Dhoweynta Xasan Sheekh ee Addis Ababa

Wararka ka imaanaya Addis Ababa ayaa muujinaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu halkaas ku helay soo dhoweyn heer sare ah. Magaalo-madaxda Itoobiya, jidadkeeda waaweyn ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya maalintii shalay, taasoo loo arko calaamad muhiim ah oo ka turjumeysa is-dhexgal siyaasadeed oo heer sare ah, taas oo ilo diplomasiyeed u sheegeen GO ineysan farxad galin Masar. 

Taariikhda Dhacdooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh

Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa abuurey caqabado siyaasadeed oo ah kuwa gudaha dalka ah iyo caalami, kuwaas oo dad badan ay u arkaan kuwo jahawareer ku abuurey doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Garowe Online

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaan-Sharaf ka qaatey Ciidanka Badda Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Itoobiya.

  • Soomaliya

    12-01-2025

  • 05:48PM

Meta oo Joojinaysa Hubinta Xaqiiqada si Loogu Soo Noqdo Xorriyadda Hadalka

Meta waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay inay dib ugu noqoto…

  • Soomaliya

    12-01-2025

  • 04:04AM