Soomaaliya: Xasan Sheekh oo lagula taliyay in heshiis Abiy Axmed kahor mariyo arrimaha Gudaha

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loogu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, halkii wakhti ku lumin lahaa heshiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa ku casuumay Xasan Sheekh inuu tago Addis Ababa, oo Feb, 2024 is-hortaah ay Ciidamada Itoobiya ku sameeyeen xili uu kasoo baxayay huteelkiisa, kuna sii jeeday xarunta Midowga Afrika oo shir uga qeybgalayay.

Madaxweynaha ayaa mudnayd inuu ahmiyadda siiyo xasilinta dalka siyaasad ahaan iyo amni ahaan, kana taageerto dowlad goboleedyada ay ku jirto Puntland dagaalka kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo gaarsiinaya taageerada caalamka loogu talagalay ladagaallanka argagixisadda, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka.

Waxay sidoo kale ahayd halka uu Addis Ababa ka aadi lahaa inuu ka shaqeeyo isu-soo-dhawaanshaha gudaha, lana heshiiyo Maamullada Puntland iyoJubaland iyo siyaasiyiin Muqdisho, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore, Ra’iisul wasaareyaashii hore, iyo xubnaha mucaaradka ee baarlamaanka. Wuxuu kaloo ka leexday shaqada in la abuuro jawi ku habboon doorashooyin hufan iyo dhammaystirka dastuurka dalka.

Itoobiya ayaa doonaysa inay hesho bad ay isticmaasho, iyadoo dowladda Federaalkana taasi kala furtay wadahallo dhawaan bilowday.

Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado badan oo gudaha ah, iyadoo la dareemayo baahida loo qabo in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dowlad-dhiska, iyo xoojinta awoodda Ciidamada qaranka, oo sii burburaya, halkii ay ka dhismi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM