Dabkii ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo la hakiyay (Sawirro)

Image
Image
Image
Image

October 11, 2014 (GO)- Dadkii galabta ka kacay suuqa Shidaalka magalada Jowhar ayaa ugu danbayntii lagu guulaystay in la hakiyo sidaasi waxaa GO u sheegay goobjooge halkaasi ku sugan

Dabka oo galabta bilowday ayaa qaatay damintiisa in ka badan afar saac iyadoona khasaare lixaad leh uu soo gaarsiiyay shidaal faro badan oo suuqaasi yaalay, balse mamulka Jowhar ayaa sheegay inaysan kala cadayn karin khasaaraha inta uu lee yahay maadama caawa fiidkii dabka la damiyay.

''Dadkii deganaa xaafadda uu suuqan ku yaalay ayaa waxaa lasoo darsay xabsi xoogan, dhanka ay dabayshu u dhacaysay ayaa laga raray dadkii deganaa maadama uu dabku sii xoogaysanayay saacadba saacada ka danbaysay balse markii danbe dadaal xoogan ka dib waa la hakiyay xoogiisii'' qof jooga Jowhar ayaa Garowe Online caawa u sheegay.

Lama yaqaan ilaa iyo hadda sababta uu dankan xoogan u dhashay inkastoo dabayli dhacaysay wali waxaa socda gurmadka lagu bad baadinayo hantida lacagta ah ee goobaha gubtay yaalay.

Maamulka Shabeelada dhexe iyo saraakiisha ammaanku wali kama aysan hadlin, waxana damintiisa xitaa ka qayb galay dad aad u faro badan oo gacmahooda ku shaqaynayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Dowladaha Federaalka iyo Jubaland Oo Fashilmay

Kuma eka Jubaland oo keliya; Xasan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    06-10-2025

  • 10:31AM

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM