Taliska Danab oo iska-fogeeyay colaadda magaalada Laascaanood

Image
Ciidamaddan uu Mareykanka tababaray ayaa sheegay in aysan "waligood ka qeyb-galeyn dagaal beeleed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Danab ee uu Mareykanka uu tababaray ayaa beeniyay in mid ka mid ah askartooda uu ku lug leeyahay coladda ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Beeryare, oo war-saxaafadeed ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in shaqsiga la hadal-hayo uu goor sii horeysay ka ruqeysaystay askarta Danab "sababo shaqsi".

"Waxaa lagama maarmaan ah in la caddeeyo in shaqsiga lagu sheegay wararkii ugu dambeeyay, Maxamed Sulaymaan, uu ahaa sarkaal hore kana baxay Danab 2021 arrimo shakhsi ah aawadeed," ayuu tibaaxay.

Beeryare oo qoraalkiisa uu dheer yahay ayaa hadalkiisa waxa uu intaas kusii daray: "Danab waxaa ay si buuxda uga go'an in ay ku taagnaato ujeedada loo aas-aasay mana geli doonto wax dagaal beeleed ah".

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer waxa uu ku celceliyey in colaadda Laascaanood ay qeyb ka yihiin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan cutubyo kumaandoos ah.

Washington ayaa kamid ah darafyadda ku cadaadinaya maamulka Hargeysa in uu xabada ka joojiyo dadweynaha Laascaanood isla markaana uu ogolaado xabad-joojin iyo wadahadalo lagu soo gabagabaynayo colaada.

In ka badan 200 ruux oo u badan shacab ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dagaalkan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay soconaya. Hay'adaha gargaarka waxay wariyeen in dad ka badan 80-kun kale ay ku barakaceen dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM